LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA
Daawo Sawirrada: Xamsa oo shacabka Laasacaanood kula caweeyay waddooyinka waaweyn ee magaalada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo safar shaqo u joogo magaalada Laasacaanood ee xarunta Waqooyi Bari ayaa shacabka xalay kula caweeyay magaaladaasi, isaga oo ku dhex lugeeyey goobaha ganacsiga, kuwa lagu caweeyo iyo laamiga weyn ee magaalada dhex maro.
Dadweyne aad u tiro badan ayaa goobahaasi soo buux dhaafiyey, iyaga oo si diiran, mashxarad iyo marxabeynleh u soo dhaweyey inta uu socdaalka ku jiray.
Socdaalka waxaa ku wehliyey Ra’iisul Wasaaraha xubno ka mid ah Dowladda Federaalka, iyo Hoggaamiyaha Waqooyi Bari Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw Cali iyo warbaahinta Dowladda iyo kuwa maxaliga ah.










