Sawirro:- Dowladda Soomaaliya oo heshay Gaadiidka dagaalka iyo hub culus

Dowladda Turkiga ayaa sii xoojisay taageerada ay siiso ciidamada amniga Soomaaliya, iyadoo kordhisay tababarka iyo qalabeynta Ciidanka Gorgor ee ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed, isla markaana ku wareejisay gaadiid dagaal oo gaashaaman si loogu dardar geliyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Taageeradan cusub ayaa qeyb ka ah iskaashiga amni iyo militari ee muddooyinkii dambe u dhexeeyay Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo si gaar ah diiradda u saaray dhismaha iyo tayeynta ciidamada gaarka ah ee Soomaaliyeed.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in gaadiidka gaashaaman ee la wareejiyay loogu talagalay in ay ciidamada ka caawiyaan dhaq-dhaqaaqyada howlgallada, gaarsiinta ciidanka jiidaha hore, iyo xoojinta awoodda dagaal ee ciidamada ka qeyb qaadanaya gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Ciidanka Gorgor oo kamid ah cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa door muuqda ka qaatay howlgallada ka socda gobollada dalka, gaar ahaan deegaannada ay weli ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab. Tababarka ay Turkigu siiyaan ciidamadan ayaa lagu tilmaamaa mid sare u qaaday xirfaddooda dagaal, abaabulkooda iyo awoodda ay ugu leeyihiin fulinta howlgallada adag.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay taageerada cusub ee Turkiga, iyagoo ku tilmaamay mid muhiim u ah dadaallada socda ee lagu xoreynayo deegaannada ay kooxda Al-Shabaab kaga sugan tahay dalka.










