Madaxweynihii Hore ee HirShabeelle Cosoble oo si Kulul ugu Jawaabay Senator Cabdi Qeybdiid

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa si adag uga falceliyay hadal hanjabaad u muuqday oo uu dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud u jeediyay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.
Qoraal uu Cosoble ku baahiyay bartiisa Facebook ayuu si toos ah ugu weeraray Senator Qeybdiid, isagoo ku eedeeyay inuu muddo dheer ku soo jiray dagaallo iyo qalalaase dalka ka dhacay, islamarkaana aan wax natiijo wanaagsan ah laga dhaxlin.
Cosoble ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Jen Cabdi Qeybdiid ma wuxuu cimrigiisa ku dhameysan doonaa dagaal sida raggii kheyrkii ahaa? Ma jiraa hal dagaal oo uu galay oo uu maanta ku faraxsan yahay? Sow dhammaan dagaalladii uu galay fashil kuma dhammaan?”
Madaxweynihii hore ee HirShabeelle ayaa sidoo kale xusay magacyo dhowr ah oo kamid ahaa hoggaamiyeyaashii siyaasadda iyo dagaallada Soomaaliya soo maray, kuwaas oo intooda badan geeriyooday, isagoo tusaale uga dhigay in colaadaha iyo dagaalladu aysan keenin guul waarta.
Waxa uu yiri: “Aaway Ceydiid? Aaway Cismaan Caato? Aaway Galaal? Aaway Qanyare? Aaway Maxamed Dhere? Aaway Cumar Xaashi? Aaway kuwii kale ee ku jiilka ahaa?”
Cosoble ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Senator Qeybdiid inuu ka fogaado hurinta colaadaha iyo hadallada qalalaasaha dhalin kara, isagoo kula taliyay inuu u weecdo dhinaca cibaadada iyo towbad keenka.
“Kolley jeneral iyo senator dhaafi maayee maa masaajidka galo oo tusbax qaato oo Ilaahay u towbad keeno? Sow talo walaal ma aanan siin?” ayuu yiri Cosoble.
Hadalka Cosoble ayaa imaanaya xilli siyaasadda Soomaaliya ay ka taagan tahay xiisad la xiriirta arrimaha amniga, doorashooyinka iyo khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka.









