Sawirro:- ajubbaland oo soo bandhigtay Ciidamadii difaaci lahaa Gobolka Gedo

Gudoomiyaha Degmada Doolow Mohamed Hussein Abdi lafeey ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidamada Amniga Doolow halkaas oo uu kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Jubbaland.
Gudoomiye Lafeey ayaa waxaa xarunta ku soo dhaweeyay Taliyaha Amniga Doolow Mohamed Hassan Buulle “Sanka” isaga oo warbixin ka siiyay xaaladda guud ee ciidamada, howlgalada socda iyo diyaar garowga ciidamada ee la xiriira sugidda amniga iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.
Gudoomiye Mohamed Hussein Abdi Lafeey ayaa ciidamada ku bogaadiyay howlkarnimada iyo dadaalka ay ugu jiraan difaaca Degaanka iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan wada shaqeynta iyo dardar gelinta howlgalada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida dalka.
Taliye Kuxigeenka Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee Gobalka Gedo Gashaanle Ali Abshir, Gudoomiye kuxigeenka Doolow Aadan barre Ali iyo Afhayeenka Gobalka Gedo Ali Jubba yaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in ciidamada ay muujiyaan feejignaan joogto ah, isla markaana ay dhowraan anshaxa iyo waajibaadka qaran ee saaran.
Soo bandhigida Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa daba socota kadib markii Dowladda Soomaaliya ay isku dayday inay qabsato degmadaaas.










