Maxaa kajira in Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday uu qorsheeyay in la dilo Sheekh Shariif?.

Sidee loo qorsheeyay Khaarajinta Madaxweyne Hore Shekh Shariif.!
Sida aanu illo Sirdoon oo gudaha Hey’adaha Amniga dalka ah ka oggaanay, waxaa jiro Qorshe ay si wada jir ah u dajiyeen Taliyaha Ciidamada gaarka ah horayna u ahaa Kaaliyaha Amniga ee Hey’adda NISA ADAN DHEERE iyo Agaasinno ka mid ah Sirdoonka Somaliya oo ah in la xiro ama la qaarijiyo MD hore Shariif Sheik Ahmed oo uu Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday Hassan Shekh Mohamuud u arko Qofka kaliya ee si dhab ah u hor-istaagi karo Mashruuciisa Awood Maroorsiga iyo in uu Somaalia kusii xukumo Awood Ciidan iyo Xukun milatari.
Sida anu oggaanay, ADAN DHEERE iyo Qaar ka mid ah Agaasinadda Hey’adda NISA ayaa dajiyay Qorshaha oo ah in Shariifka lagu dhex xiro gudaha Hotel Jazeera marka uu Shirarka uga qeyb-galayo, markaasi oo loo arko in ay tahay marka ugu sahlan oo uusan wadan Illaalo badan, iyadoo Gudaha Hotelka lagu diyaarinayo Ciidan dharcad farabadan oo bastoolado ku hubeeysan iyo gaari nooca aan Xabadda karin ah oo loogu talagalay in marka uu gudaha Hotelka soo galo la toogto Askarta kooban ee illaalada u ah ka dibna Isaga laxero laguna qaado gaariga meesha lagu sii diyaariyay, Qorshahaasi oo la hor-dhigay Madaxweyne Hassan Sheikh ayuu oggolaaday balse ka digay in laga taxadarro qatarta ka imaan karta haddii uu isku dayga guul-dareesto oo ka dhallan karo Dagaal ka qarxa Caasimadda.
ADAN DHEERE oo aay heyb ahaan is xigaan mid ka mid ah xaasaska Madaxweyne Hassan Sheik oo dhawaan loo Magacaabay Taliyaha Ciidama gaarka ah ayaa u ballanqaaday MadaxWeyne Hassan Sheik in qorshahaan aay diyaariyeen Qubarro Amni iyo Sirdoon oo Dal Ajnabi ah kaashanaya, sida uu howlgalka u dhacaayana ay duubi doonaan, isla markaana uu si toos ah uu ula socon doono isagoo Xafiiskiisa jooga Kaamirana uu ka daawan doono.
Waxaana sidoo kale oggaanay in ADAN DHEERE uu si gaar ah u qorsheeyay in la toogto Madaxweyne hore Shariif Sheik Ahmed Marka uu gaariga kasoo dago lagana dhigo in uu ku geeriyooday shil isku dhac ciidan ah.
ADAN DHEERE, ayaa ahaa Sarkaalkii Ciidamadda dul dhigay gurigii uu Isgooyka Mirinayo ka deganaa Shekha si uu qeyb uga noqdo Bannaanbixii ay Mucaaradka ku baaqeen 10-kii Bisha May, balse dowladdu ay is-hortaagtay, isgaoo markaasna ku hanjabay in uu soo xeri karo, balse qaar ka mid ah dhaqanka Muddulood ay ka digeen talaabadaasi ka dibna Ciidamada laga dulqaaday.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhammaaday ayaa u arka MD. Shariif Sheik ahmed qofka kaliya ee ishortaagi kara Mashruuciisa xukun boobka ah, maadama Shariifka uu sumac ku dhexleeyahay dhammaan Bulshada Soomaaliyeed iyo Ciidanka dhaxdiisa warkiisana laga maqlayo Caasimadda.
Talaabadan ayaa loo arkaa mid Qar iska tuurnima ah, haddii lagu dhaqaaqana halis weyn gilin karta dalka isla markaana horseedi karta dagaalo sokeeye.
Warbixintan Banaadir24.com mas’uul kama ahan Wariyr Cabdixafiid Nuur ayaa qoray.









