LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Saraakiil iyo Ciidamo Cusub oo Ku Biiray Ciidamada Cabdicasiis Laftagareen

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulkii hore ee  Koonfur Galbeed ayaa maanta taliska dhexe ee halganka dib-u-xoreynta Koonfur Galbeed ku soo dhaweeyay saraakiil iyo ciidamo cusub oo ku biiray ciidamada Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ee ku sugan duleedka Baydhabo.

Afhayeenka Koonfur Galbeed garabka Laftagareen ahna Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cabdiwahaab Macallin Salaad, oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, ayaa hoggaamiyay munaasabadda soo dhoweynta.

Saraakiisha ku biiray halganka waxaa ka mid ah Guurow Xasan Maxamuud, oo ka tirsanaa halgamayaashii RRA, Taliye Isxaaq Axmed Maxamed, oo hore uga tirsanaa saraakiisha Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad, Kabtan Alinur, iyo ciidamo ay hoggaaminayeen.

Saraakiishan iyo ciidamada la socday ayaa sheegay inay si buuxda u garab taagan yihiin howlgalka dib-u-xoreynta Koonfur Galbeed, iyagoo muujiyay inay door muuqda ka qaadan doonaan dadaallada dib loogu qabanayo magaalada Baydhabo.

Ku biirista saraakiishan iyo ciidamada cusub ayaa loo arkaa mid xoojin karta awoodda ciidamada ka qeyb qaadanaya wejiyada cusub ee howlgalka dib-u-xoreynta, xilli ay socdaan dadaallo lagu dardargelinayo la wareegidda magaalada Baydhabo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *