LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Jubbaland oo fariin kulul u dirtay Xasan Sheekh Ugana Digtay Inuu…

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Jubbaland, Cabdifataax Maxamed Mukhtaar, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay cadaadiskeedii siyaasadeed u weecisay Puntland, kadib markii uu sheegay inay ku guuldareysatay qorshayaal ay hore ugu wajahday Jubbaland.

Qoraal uu soo saaray wasiirka ayaa lagu sheegay in dadaalladii dowladda federaalka ay ku dooneysay inay saameyn ku yeelato Jubbaland aysan mira dhalin, isagoo ku sababeeyay in shacabka iyo maamulka Jubbaland ay si adag uga hortageen waxa uu ku tilmaamay faragelin siyaasadeed.

Mukhtaar ayaa sheegay in dowladda federaalka ay hadda diiradda saartay Puntland, balse uu rumeysan yahay in shacabka iyo maamulka Puntland ay sidoo kale iska caabin doonaan tallaabo kasta oo ay u arkaan mid halis ku ah nabaddooda, xasilloonidooda iyo nidaamkooda dowladeed.

“Shacabka iyo Dowladda Puntland waxay si adag uga hortagi doonaan isku day kasta oo lagu waxyeelleynayo nabaddooda, xasilloonidooda iyo dowladnimadooda,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland.

Sidoo kale, Cabdifataax Mukhtaar ayaa farriin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in siyaasaddu aysan ku dhisneyn awood iyo cadaadis keliya, balse ay u baahan tahay xisaabtan iyo qiimeyn fog.

Wuxuu ka digay in tallaabo kasta oo hal dhinac ah ama lagu saleeyo awood ay keeni karto cawaaqib siyaasadeed oo mustaqbalka laga xisaabtamo.

Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan jawaabin hadallada kasoo yeeray Jubbaland.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada, kaas oo salka ku haya arrimo la xiriira nidaamka dowladnimada, dastuurka iyo awood-qeybsiga.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *