LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Koonfur Galbeed oo war cusub kasoo saartay dagaalkii Baydhabo & Inkabadan 50 Al-Shabaab ah oo…

Dowladda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ku dhowaqday in ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Birmadka KGS ay si geesinimo leh uga hortageen weerar xooggan oo kooxda Al-Shabaab iyo maleeshiyaad taageeraya ay ku soo qaadeen magaalada Baydhabo.

Sida ku xusan war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Hogaamiyaha KGS, weerarkan ayaa ku bilowday qaraxyo is-miidaamin ah, waxaana markiiba ka jawaabay ciidamada amniga oo ku guuleystay inay fashiliyaan qorshihii kooxda soorasaartay.

Ugu dambeyntii, dagaalka ka dib ayaa la xaqiijiyay inay ciidamadu dileen ka badan 50 xubnood oo ka tirsanaa kooxda weerarka soo qaaday, halka gacanta lagu dhigay maxaabiis badan, gaadiid dagaal, iyo hub aad u tiro badan.

Dowladda Koonfur Galbeed waxay tacsi u dirtay ehelada ciidamadii iyo shacabkii ku shahiaday weerarka, waxayna caafimaad degdeg ah Alle uga baryatay dadkii ku dhaawacmay. Dhanka kale, dowladda ayaa bogaadisay bulshada Baydhabo ee muujiyay isku-duubnida iyo taageerada ay la garab stands yihiin laamaha amniga, iyadoo ugu baaqday in la sii baratailmaameedsado xasiloonida gobolka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *