LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sanbaloolshe oo ka hadlay dilka Axmed Shire iyo rag hore sidaan oo kale loogu dilay Shabeellaha Dhexe

Taliyihii hore ee NISA, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa si adag u cambaareeyay dilka askariga Soomaaliyeed ee Axmed Shire Xuseen, kaas oo lagu dilay xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in dilka Axmed Shire uu ahaa fal “wuxushnimo iyo bahalnimo” ah, isagoo xusay in fal noocan oo kale ah uu horey uga dhacay deegaanka.

“Waa fuleynimo in askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, una dhaartay difaaca dalkiisa hooyo, sidaas loola dhaqmo,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dadka ka dambeeyay falka aysan cidna matalin, isagoo ku tilmaamay inay yihiin dad “calooshooda u shaqeysta”.

Sanbaloolshe ayaa sidoo kale ballanqaaday in aan laga aamusi doonin dilka Axmed Shire, isagoo sheegay in dadaal loo geli doono sidii cadaalad loo heli lahaa.

“Ma ka hari doonno habeen iyo maalin ilaa Axmed uu cadaalad helo,” ayuu yiri.

Dhanka kale, Sanbaloolshe ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada reer Hiiraan iyo dhammaan dadka ka xumaaday dilka, inay is dejiyaan oo ay ka shaqeeyaan qaboojinta xaaladda.

Wuxuu sheegay in dadka uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen dilka dhawaan gacanta lagu soo dhigi doono, isla markaana sharciga lala tiigsan doono.

“Axmed Shire, Alle ha u naxariisto, geesi qaran ayuu ahaa, mana noqon doonno kuwa ka aamusa oo isha ka daawada,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Sanbaloolshe.

Dilka Axmed Shire ayaa dhaliyay caro iyo murugo xooggan, iyadoo baaqyo isa soo taraya ay ku aaddan yihiin in si degdeg ah loo baaro dhacdada, gacanta lagu soo dhigo cid kasta oo ku lug leh, lana horkeeno caddaaladda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *