“Qof kasta oo Baydhabo ka taga Al-Shabaab miyaa?” Wasiir hore oo si adag uga hadlay eedeymaha socda

Wasiirkii hore ee Amniga Koonfur Galbeed Maxamed Xuseen Joon, oo ka mid ahaa xubnihii ka qayb qaatay dagaalladii sababay in maamulka Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uu ka baxo Baydhabo, ayaa si kulul uga hadlay habka dadka siyaasadda isku haya loogu tilmaamayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Wasiirkan hore ayaa sheegay in haddii qof kasta oo Baydhabo ka taga lagu tilmaamo inuu yahay Al-Shabaab, ay taasi keeni karto xaalad aan wanaagsanayn, isaga oo tusaale u soo qaatay dadkii hore u taageeray ciidamada iyo howlgalladii ka dhanka ahaa maamulka Laftagareen.
“Haddii qof kasta oo magaalada ka taga loo aqoonsanayo Al-Shabaab, markaas xaaladdu aniga iima muuqato mid wanaagsan,” ayuu yiri wasiirkii hore.
Wuxuu sidoo kale xusay dadkii geela gaarsiiyay saraakiisha iyo ciidamada ku sugnaa Xapir-Duug bishii Febraayo ee sanadkan, iyo dadkii dhaqaale ku bixiyay ololihii militari ee ka dhanka ahaa Laftagareen.
Hadalkan ayaa su’aal weyn gelinaya eedeymaha loo jeedinayo qaar ka mid ah dadka ka baxay Baydhabo ama lala xiriirinayo dhinaca Laftagareen, maadaama wasiirku tilmaamay in haddii summadda Al-Shabaab si ballaaran loo adeegsado ay ku dhici karto xitaa mas’uuliyiin, ciidamo iyo taageerayaal hore uga qayb qaatay dagaalladii ka dhanka ahaa Laftagareen.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Koonfur Galbeed ay ka taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed iyo amni, iyadoo dhinacyada iska soo horjeeda ay weli isku hayaan cidda maamuleysa Baydhabo iyo awoodda maamulka Koonfur Galbeed.
Su’aasha hadda taagan ayaa ah: Yaa dhab ahaan Al-Shabaab ah, yaase lagu eedeynayaa arrimo siyaasadeed?









