LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamada dowladda oo ka baxay deegaan cusub & Al-Shabaab oo la wareegay

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka Cali-Ganey, kadib dagaallo culus oo halkaasi ku dhex maray kooxda iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, ciidamada dowladda ayaa isaga baxay fariisimihii ay ku lahaayeen deegaanka kadib iska horimaadyo xooggan oo halkaasi ka dhacay, waxaana la sheegay in Al-Shabaab ay markii dambe gudaha u soo galeen Cali-Ganey.

Sababta keentay ka bixitaanka ciidamada dowladda iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ayaan weli si rasmi ah loo shaacin.

Ilaa hadda, dowladda Soomaaliya kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan dagaalka, ka bixitaanka ciidamada ama xaaladda deegaanka.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Cali-Ganey iyo deegaannada ku dhow ay hore uga jireen dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda, xoogagga deegaanka iyo Al-Shabaab. 

Al-Shabaab ayaa dhawaan qabsaday deegaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan kadib dagaallo culus oo ay halkaas kula galeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *