Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab

    9 November 2026

    Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?

    9 November 2026

    Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Hiiraan: Guddoomiyihii cusub ee Hirshabeelle oo is casilay maalmo kadib

    9 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Qatar iyo Soomaaliya oo heshiis taariikhi ah kala saxiixday: TUS University oo soo socota
    LATEST NEWS

    Qatar iyo Soomaaliya oo heshiis taariikhi ah kala saxiixday: TUS University oo soo socota

    Banaadir24By Banaadir242 September 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo saldhig u noqonaya dhismaha Jaamacadda Tiknoolajiyada Soomaaliya (TUS University).

    Warkaan oo lagu daabacay Bogga ay Wasaaraddu ku leedahay Baraha Bulshada ayaa lagu sheegay in Jaamacadda cusub ay bixin doonto waxbarasho farsamo iyo mid xirfadeed oo tayo leh, iyada oo Jaamacadda Doxa (UDST) ay ka taageerayso Manhajka, Tayeynta Macallimiinta, hubinta tayada iyo Shahaadaynta.

    Wejiga Koowaad ee mashruucan ayaa diiradda saaraya takhasusyo ay ka mid yihiin Tiknoolajiyada, cilmiga Badaha, Duulista, Batroolka, Injineernimada, Tamarta iyo maaraynta Caafimaadka, taasi oo gacan ka geysanaysa kobcinta aqoonta iyo xirfadaha dhallinyarada Soomaaliyeed.

    Heshiiskan ayaa qayb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025–2029-ka, waxaana lagu horumarinayaa tayada Waxbarashada iyo xirfadaha looga baahan yihiin suuqa shaqada, iyada oo mudnaan la siinayo tababbarka Macallimiinta Soomaaliyeed ee noqonaya maamulka iyo xoogga tacliin bixinta ee Jaamacadda cusub.

    Ugu dambayn, Wasaaradda Waxbarashada , Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Dowladda iyo shacabka Qatar taageerada iyo iskaashiga joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya.

    Dhanka Wasaaradda Waxbrashada waxaa heshiiskan u saxiixay Maxamed Cabdullaahi Maxamuud, Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare, dhanka Jaamacadda UDST-na waxaa u saxiixay Prof Rashid Benlamri, Madaxweyne Ku Xigeenka dhanka Waxbarashada ee Jaamacadda UDST.

    Munaasabadda saxiixa heshiiskan waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiyo Dalka Qatar iyo Mas’uuliyiin sare oo ka socday Jaamacadda UDST.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleAl-Shabaab oo ku howlan helista hub casri ah & Mareykanka oo digniin soo saaray
    Next Article Xasan Sheekh oo shuruud cusub ku xiray wada-hadallada doorashada Federaalka
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab

    9 November 2026

    Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?

    9 November 2026

    Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Hiiraan: Guddoomiyihii cusub ee Hirshabeelle oo is casilay maalmo kadib

    9 November 2026

    Mareykanka iyo Soomaaliya oo ka shiray dagaalka Al-Shabaab iyo mustaqbalka ciidamada AUSSOM

    8 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab

    By Banaadir249 November 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Warar laga helayo ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in sarkaal hore uga…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?

    9 November 2026

    Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Hiiraan: Guddoomiyihii cusub ee Hirshabeelle oo is casilay maalmo kadib

    9 November 2026

    Mareykanka iyo Soomaaliya oo ka shiray dagaalka Al-Shabaab iyo mustaqbalka ciidamada AUSSOM

    8 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab
    • Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?
    • Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Hiiraan: Guddoomiyihii cusub ee Hirshabeelle oo is casilay maalmo kadib
    • Mareykanka iyo Soomaaliya oo ka shiray dagaalka Al-Shabaab iyo mustaqbalka ciidamada AUSSOM
    • Wararkii ugu dambeeyay: Ciidamada dowladda oo lagu weeraray waddada Leego

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d