LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xasan Sheekh oo shuruud cusub ku xiray wada-hadallada doorashada Federaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo waramayaa inuu weli ku adkeysanayo mowqifkiisa ku aaddan muddo-xileedka dowladda, isagoo qaba in sharciyadda muddo-xileedkiisa aan laga doodin karin, isla markaana wadahadallada ku saabsan doorashada Federaalka la bilaabi karo kaddib marka la soo gabagabeeyo doorashooyinka la qorsheeyay ee Galmudug iyo Hirshabeelle.

Sida ay ogaatay Banaadir24 Online, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qaar ka mid ah xubnaha kooxdiisa iyo wakiillo caalami ah u sheegay in marka siyaasiyiinta taageersan dowladda ay ku guuleystaan doorashooyinka ka dhacaya Jowhar iyo Dhuusamareeb, markaas laga wada hadli karo hannaanka doorashada Federaalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la sheegay inuu diyaar u yahay in xilligaas dib loo dhiso Madashii Wadatashiga Qaran, oo ay hore uga baxeen Puntland iyo Jubbaland, arrintaas oo mucaaradku u arki karo qorshe horseedi kara waqti dheeraad ah oo lagu sii joogo xafiiska.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmahan xoogga saaraya sidii siyaasiyiinta ay dowladda dano siyaasadeed wadaagaan looga qeybgelin lahaa geeddi-socodka doorashada.

Maalmo ka hor, wuxuu sidoo kale si cad uga horyimid in mucaaradka laga saaro kulamada wada-hadallada doorashada ee ay garwadeenka ka yihiin dowladaha reer Galbeedka, isagoo muujiyay in mucaaradka uu door ku leeyahay wada-hadallada siyaasadeed ee dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *