LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Puntland oo Gacanta ku Dhigtay Saldhiggii Ugu Weynaa ee PSF-ta Taabacsan Dowladda Federaalka ee Boosaaso

Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah ula wareegay saldhig ciidan oo ku yaallay magaalada Boosaaso, kaas oo ay hore u deganaayeen ciidamo ka tirsan PSF-ta taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

La wareegista saldhigga ayaa ku dhacday si nabad ah, iyadoo aan wax dagaal ah ama iska horimaad amni ka dhicin magaalada. Ciidamadii ku sugnaa saldhigga ayaa la sheegay inay si iskood ah ugu wareejiyeen maamulka Puntland hubkii, gaadiidkii dagaalka iyo agabkii militari ee yaallay xarunta.

Wararka ayaa tilmaamaya in hub kala duwan, gaadiid dagaal iyo qalab ciidan oo muhiim ah lagu wareejiyay ciidamada Puntland, taas oo qayb ka ah dadaallada maamulka ee lagu xoojinayo gacan ku haynta amniga gudaha.

Isbedelkaan ayaa imanaya maalin kaddib markii Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu soo saaray digniin 48 saacadood ah oo uu ugu baaqay dhammaan kooxaha hubeysan ee ka howlgala Puntland inay hubka dhigaan, isagoo uga digay in cid kasta oo diidda ay wajihi doonto tallaabo militari oo la mid ah hawlgalladii dhowaan ka dhacay Gaalkacyo.

Dhanka kale, ilo deegaanka ayaa sheegay in kolonyo ka kooban toddobo gaari oo sida ciidamo hubeysan ay gaareen magaalada Laascaanood, kaddib markii ay ka soo dhaqaaqeen Qardho. Ilaa hadda lama shaacin ujeeddada rasmiga ah ee dhaq-dhaqaaqaasi.

Mas’uuliyiinta Puntland iyo ilo amni ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid muhiim u ah burburinta cutubyo hubeysan oo la sheegay inay taageero ka haysteen Dowladda Federaalka, kuwaas oo muddo ka howlgalayay deegaanno u dhexeeya Gaalkacyo iyo Boosaaso. Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin wararkan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *