LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Yemen Oo Masaafurisay Wakiilkii Somaliland Kadib Labo Bilood oo Xabsi…

Mas’uuliyiinta Yemen ayaa masaafuriyey wakiilkii ganacsiga Somaliland ee dalkaas, Idris Aadan Raage, kadib in ka badan laba bilood oo uu ku xirnaa magaalada dekedda ah ee Cadan, sida ay sheegeen ilo Yemeni ah.

Raage ayaa la sii daayey kahor inta aan laga dhoofin Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Cadan, isagoo lagu qaaday diyaarad ay leedahay Air Djibouti.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka Yemen ay 13-kii Juun weerar ku qaadeen xafiiska ganacsiga Somaliland ee degmada Khormaksar, halkaas oo ay ka xireen Raage, sidoo kalena ay la wareegeen qalab iyo agab kale oo yaallay xafiiska.

Xiritaankiisa ayaa lala xiriirinayaa munaasabad uu 18-kii May ku qabtay magaalada Cadan, taas oo lagu xusayey munaasabadda 18-ka May. Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in kulankaasi uusan haysan oggolaansho rasmi ah, isla markaana ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha KMG ee Koonfurta Yemen (STC).

Ilaa iyo hadda, dowladda Yemen kama aysan hadlin sababta rasmiga ah ee xarigga iyo masaafurinta Idris Aadan Raage, sidoo kale maamulka Somalilandna weli kama uusan soo saarin war rasmi ah.

Yemen waxay si rasmi ah u aqoonsan tahay madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mana aqoonsana Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *