Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad

    9 November 2026

    Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab

    9 November 2026

    Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?

    9 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Soomaaliya iyo Pakistan oo xoojinaya iskaashiga difaaca iyo tayeynta ciidamada
    LATEST NEWS

    Soomaaliya iyo Pakistan oo xoojinaya iskaashiga difaaca iyo tayeynta ciidamada

    Banaadir24By Banaadir246 August 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo socdaal shaqo oo rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta booqday Taliska Ciidanka Cirka Pakistan, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Cirka Pakistan, Air Chief Marshal Zaheer Ahmed Baber Sidhu.

    Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milatari, horumarinta awoodaha Ciidanka Cirka, tababarrada, is-weydaarsiga khibradaha iyo kor u qaadidda xiriirka labada dal ee dhinacyada amniga iyo difaaca.

    Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Pakistan, Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan, Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, iyo masuuliyiin kale.

    Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda ayaa maanta booqday Taliska Ciidanka Badda Pakistan, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Badda Pakistan, Admiral Naveed Ashraf.

    Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga badda, horumarinta iyo tayeynta awoodaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed, tababarrada, iyo is-weydaarsiga khibradaha, iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqeynta istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Pakistan.

    Sidoo kale wasiir Fiqi ayaa maanta booqday xarunta Shirkadda Global Industrial & Defence Solutions (GIDS) iyo Jaamacadda Difaaca Qaranka Pakistan.

    Xarunta GIDS, Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa ku soo dhaweeyay Madaxa Fulinta shirkadda, Mudane Asad Kamal, oo warbixin ka siiyay awoodaha shirkadda ee dhinacyada warshadaha difaaca, tiknoolajiyadda milatariga iyo xalalka casriga ah ee difaaca. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga, horumarinta awoodaha ciidamada iyo sidii Soomaaliya uga faa’iidaysan lahayd khibradaha iyo tiknoolajiyadda casriga ah ee shirkaddu leedahay.

    Sidoo kale, Wasiirka ayaa booqday Jaamacadda Difaaca Qaranka Pakistan, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Taliyaha Jaamacadda, Sareeye Guuto Babar Iftikhar. Wasiirka ayaa halkaas kaga dhageystay warbixin ku saabsan doorka ay jaamacaddu ku leedahay waxbarashada sare ee difaaca, daraasaadka istaraatiijiyadeed, cilmi-baarista amniga iyo diyaarinta hoggaanka sare ee ciidamada.

    Wasiirka waxaa kormeerka ku wehliyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Pakistan, Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed, Admiral Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, iyo masuuliyiin kale.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticlePuntland oo Gacanta ku Dhigtay Saldhiggii Ugu Weynaa ee PSF-ta Taabacsan Dowladda Federaalka ee Boosaaso
    Next Article Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo ku heshiiyay qorshe mideynaya…
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad

    9 November 2026

    Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab

    9 November 2026

    Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?

    9 November 2026

    Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Hiiraan: Guddoomiyihii cusub ee Hirshabeelle oo is casilay maalmo kadib

    9 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad

    By Banaadir249 November 20260

    Washington (Banaadir24) — Warbixin cusub oo uu daabacay wargeyska The Washington Sun ayaa shaaca ka…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab

    9 November 2026

    Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?

    9 November 2026

    Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Hiiraan: Guddoomiyihii cusub ee Hirshabeelle oo is casilay maalmo kadib

    9 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad
    • Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab
    • Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?
    • Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Hiiraan: Guddoomiyihii cusub ee Hirshabeelle oo is casilay maalmo kadib
    • Mareykanka iyo Soomaaliya oo ka shiray dagaalka Al-Shabaab iyo mustaqbalka ciidamada AUSSOM

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d