DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Puntland oo digniin kasoo saartay cudur halis ah

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay bulshada uga digayso khatarta cudurka Ebola, iyadoo sheegtay in Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ay xaqiijisay faafitaan iyo koror la xiriira cudurkaas oo laga soo sheegay dalalka Congo (DRC) iyo Uganda.

Wasaaraddu waxay sheegtay in cudurka Ebola uu yahay xanuun halis ah oo si degdeg ah u faafa, islamarkaana u baahan feejignaan dheeraad ah iyo wada-shaqeyn bulshada dhexdeeda ah si looga hortago khatar kasta oo ka dhalan karta.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa sheegtay inay kordhisay dadaallada lagu xoojinayo ilaalinta caafimaadka bulshada, iyadoo la sameynayo wacyigelin joogto ah iyo diyaar-garow caafimaad oo lagu sugayo badqabka shacabka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay tilmaantay inay la shaqeynayso hay’adaha caafimaadka ee gudaha iyo kuwa caalamiga ah si loo xakameeyo halista cudurka loogana hortago inuu soo gaaro deegaannada Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dadka bulshada ahi ay si gaar ah uga feejignaadaan calaamadaha cudurka Ebola, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Qandho daran

Madax-xanuun

Daal iyo murqo-xanuun

Matag iyo shuban

Dhiig-bax ama calaamado la xiriira qandho daran

Khubarada caafimaadka ayaa sheegaya in qof kasta oo isku arka calaamadahan looga baahan yahay inuu si degdeg ah ula xiriiro xarumaha caafimaadka si loo helo baaritaan iyo daryeel caafimaad.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa bulshada kula talisay inay qaadaan tallaabooyin taxaddar leh oo lagu yareyn karo faafitaanka cudurka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

In si joogto ah loo ilaaliyo nadaafadda gacmaha

In laga fogaado dadka qaba calaamadaha cudurka

In si degdeg ah loo soo sheego kiis kasta oo looga shakiyo Ebola

In la raaco tilmaamaha iyo wacyigelinta ay bixiyaan hay’adaha caafimaadka

Gabagabadii, Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa bulshada ugu baaqday inay muujiyaan feejignaan iyo wada-shaqeyn si looga hortago cudurrada faafa, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in shacabka ay si dhow ula socdaan xogaha iyo digniinaha caafimaad ee rasmiga ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *