Puntland Oo Dhulka La Gashay Qorshihii Villa Somalia

Wararka laga helayo magaalada Garoowe ayaa sheegaya in guddi gaar ah oo loo saaray xal u helidda khilaafka la xiriira ciidamada Danab ee ku sugan duleedka magaalada uu gaaray go’aanno lagu doonayo in lagu soo afjaro muranka taagnaa.
Sida ay aan xogta ku helnay, guddigan oo ka dhashay kulan uu Madaxweynaha Puntland la yeeshay siyaasiyiin, waxgarad iyo haldoor ka soo jeeda gobolka Nugaal, ayaa lagu wadaa inuu maanta si rasmi ah u shaaciyo go’aan ka kooban saddex qodob.
Wararka ayaa sheegaya in qodobadaasi ay xoojinayaan mowqifka Puntland ee ku aaddan maamulka iyo hoggaanka ciidamada Danab ee ku sugan deegaannada Puntland. Waxaa sidoo kale la filayaa in guddigu caddeeyo in magacaabista taliyaha ciidanka ay hoos imanayso dowladda Puntland, isla markaana ciidamadaasi ay qayb ka noqonayaan sugidda amniga iyo ilaalinta kala dambeynta Puntland.
Sidoo kale, guddiga ayaa lagu wadaa inuu ku baaqo in la ilaaliyo midnimada iyo xasilloonida Puntland, isla markaana laga hortago tallaabo kasta oo halis gelin karta amniga deegaannada maamulka.
Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Puntland, Senator Cabdiraxmaan Faroole, oo ka hadlay kulan la xiriiray arrintan, ayaa sheegay in lagu guuleystay sidii loo xallin lahaa khilaafka, isla markaana looga hortagi lahaa wax kasta oo wiiqi kara midnimada iyo kala dambeynta Puntland.
Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin wararka ku saabsan go’aannada la sheegay in guddigu gaaray.









