LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Mareykanka oo Qorshe Cusub ka Daahfuraya Jubbaland, Villa Somalia oo La Garab Marayo

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan la sheegay inuu magaalada Kismaayo ku dhexmaray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), xubno ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ee qaabilsan amniga iyo difaaca, iyo saraakiil ka socotay Pentagon-ka.

Sida ay sheegayaan ilo ku dhow kulanka, wada hadallada ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga amniga, dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo qorsheyaal cusub oo la xiriira doorka Mareykanka ee Soomaaliya.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in kulanka lagu falanqeeyay afar qodob oo waaweyn:

  • Garoonka Afmadow: Waxaa la sheegay in Mareykanku qorsheynayo taageeridda dhismaha iyo horumarinta garoonka Afmadow, si loogu adeegsado howlgalada amniga, isla markaana loo tababaro laguna qalabeeyo ilaa 10,000 oo askari oo Jubbaland ah.
  • Iskaashi toos ah: Ilo wareedyadu waxay sheegayaan in Mareykanku muujiyay diyaar u ahaanshaha inuu si toos ah ula shaqeeyo dhinacyada uu u arko inay wax ku biirinayaan amniga, iyadoo aan loo baahnayn dhexdhexaadin dhinac kale.
  • Aragtida siyaasadda Soomaaliya: Wararka ayaa intaas ku daraya in kulanka lagu soo hadal qaaday caqabadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo qaar ka mid ah ka qeybgalayaashu ay sheegeen in loo baahan yahay dib u eegis lagu sameeyo qaabka taageerada caalamiga ah.
  • Howlgallo militari: Sidoo kale waxaa la sheegay in laga wada hadlay qorshe lagu taageerayo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka dhaca deegaannada Jilib, Jamaame iyo nawaaxigooda.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Mareykanku dib u qiimeyn ku wado qaabka uu u maareeyo joogitaankiisa militari iyo iskaashiga amni ee Soomaaliya, iyadoo la xusay in Puntland iyo Somaliland ay ka mid yihiin meelaha uu xoogga saarayo xiriirka amni.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *