LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Firxadka Al-Shabaab oo Sii Xoogeysanaya, Dagaalyahan Kale oo Isku Soo Dhiibay Jubbaland

Mid ka mid ah xubnihii Khawaarijta ayaa shalay isku soo dhiibay Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee ku sugan degmada Afmadow, kadib howlgal xog-ogaalnimo ku dhisnaa oo ay ciidamada fuliyeen.

Ninka isdhiibay ayaa lagu magacaabaa Cabdiraxmaan Maxamuud Cali, oo loo yaqaan Towfiiq, waxaana la sheegay inuu muddo ku dhow hal sano ka tirsanaa kooxda Khawaarijta.

Sida ay sheegeen saraakiisha Daraawiishta Jubbaland, ciidamada oo hayay xogta dhaqdhaqaaqa ninkan ayaa ku hor istaagay duleedka degmada Afmadow, halkaas oo uu ugu dambeyn isku soo dhiibay.

Cabdiraxmaan Maxamuud Cali ayaa sheegay in kooxda Khawaarijta ay wajahaan xaalad adag oo dhinaca dagaalka ah, isla markaana ay sii kordhayaan firxadka iyo kala daadashada maleeshiyaadkooda.

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa sheegay in howlgalada lagu beegsanayo Khawaarijta ay sii socon doonaan, iyagoo ugu baaqay xubnaha weli ku jira kooxda inay ka faa’iideystaan fursadda isdhiibidda, si ay uga badbaadaan howlgalada ka dhanka ah kooxda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *