Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Muqdisho kula kulmay Taliyaha Ciidamada AFRICOM

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Dagvin R.M. Anderson.
Kulanka ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga militari ee u dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AFRICOM, iyadoo si gaar ah looga hadlay dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta iyo kor u qaadidda taageerada ciidamada Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale isla falanqeeyay qorshaha guluf ballaaran oo lagu ciribtirayo Khawaarijta, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku dubbaridka howlgalada socda iyo kuwa la qorsheynayo.
Dowladda Mareykanka ayaa kulanka ku xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada howlgalada, tababarrada, sirdoonka iyo la dagaallanka argagixisada, si loo dardargeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga dalka.









