LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Mareykanka oo meesha ka saaray in duqeyntii Sanaag lala kaashaday Puntland, Dowladda Federaalka oo la xusay

Taliska Mareykanka ee Afrika, AFRICOM, ayaa soo saaray xog cusub oo ku saabsan duqeyn ka dhacday gobolka Sanaag, taas oo uu sheegay in lala kaashaday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

AFRICOM ayaa sheegtay in 17-kii Sebtembar 2026 ay duqeyn ku beegsatay bakhaar hubka caadiga ah lagu keydiyo oo ay leedahay Al-Shabaab, kaas oo ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Sanaag, qiyaastii 80 KM koonfur-galbeed magaalada Boosaaso.

Qodobka ugu weyn ee bayaanka Mareykanka ayaa ah in AFRICOM ay si cad u sheegtay in hawlgalkan lagu fuliyay “isuduwid ay la sameeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya”, iyadoo sidoo kale xustay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Bayaanka AFRICOM kuma xusin in duqeynta si toos ah loola kaashaday Puntland, inkastoo Puntland ay hore u sheegtay in hawlgalka lala kaashaday maamulka Puntland.

Tani waxay dhalisay kala duwanaansho muuqda oo u dhexeeya sheegashada Puntland iyo qoraalka rasmiga ah ee AFRICOM, iyadoo Mareykanku bayaankiisa cusub si gaar ah u magacaabay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

AFRICOM ayaa intaas ku dartay in faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cutubyada iyo hubka la adeegsaday aan la shaacin sababo la xiriira amniga hawlgallada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *