LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

IGAD oo digniin ka bixisay mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya, baaqna u dirtay madaxda dalka

Urur-goboleedka IGAD ayaa madaxda iyo dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ugu baaqay inay galaan wada-hadal loo dhan yahay, si heshiis looga gaaro hannaanka doorashada iyo mustaqbalka siyaasadda dalka.

IGAD ayaa sheegtay inay taageerayso dadaallada Soomaaliya ee lagu horumarinayo dimuqraadiyadda iyo nidaam doorasho oo loo dhan yahay, iyadoo ururku diyaar u yahay inuu taageero wadahadallada siyaasadeed. 

Dhanka amniga, IGAD waxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ugu baaqday inay bixiyaan maalgelin ku filan, la saadaalin karo oo waarta oo loo sameeyo howlgalka AUSSOM iyo dalalka ciidamada ku biiriya, iyadoo taageeradaas lagu tilmaamay mid muhiim u ah dagaalka Al-Shabaab. 

Baaqan ayaa imaanaya xilli mustaqbalka taageerada caalamiga ah ee AUSSOM uu wajahayo hubanti la’aan, iyadoo Mareykanku oggolaaday muddo 12 bilood ah oo lagu yareynayo taageerada Qaramada Midoobay, laga bilaabo Janaayo 2027. 

Banaadir24 Online

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *