LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Wariye Xasan Kaafi Cabdiraxmaan Qoyste oo ku geeriyooday Muqdisho

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday, AUN, Wariye Xasan Kaafi Cabdiraxmaan Qoyste, oo ahaa wariye rugcadaa ah oo muddo dheer kasoo shaqeeyay warbaahinta Soomaaliyeed.

Marxuum Xasan Kaafi Qoyste ayaa kasoo shaqeeyay Laanta Af-Soomaaliga ee VOA, waxaana sidoo kale uu kamid ahaa wariyeyaashii kasoo shaqeeyay Idaacaddii Horn Afrik, oo waqti hore ka howlgeli jirtay magaalada Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen ehelladiisa, Marxuumka ayaa la sheegay inuu u geeriyooday xanuun deg-deg ah oo kusoo booday.

Geerida Wariye Xasan Kaafi ayaa murugo ku abuurtay bahda saxaafadda iyo dadka Soomaaliyeed ee aqoonta u lahaa.

Alle ha u naxariisto Marxuum Xasan Kaafi Cabdiraxmaan Qoyste, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan bahda saxaafaddana samir iyo iimaan haka siiyo. Aamiin.

Banaadir24 Online

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *