Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad

    9 November 2026

    Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab

    9 November 2026

    Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?

    9 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Madixii sirdoonka Al-Shabaab oo Jilib lagu dilay & xog culus oo laga helay howlgalka NISA
    LATEST NEWS

    Madixii sirdoonka Al-Shabaab oo Jilib lagu dilay & xog culus oo laga helay howlgalka NISA

    Banaadir24By Banaadir2430 August 2026No Comments3 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal lagu dilay Horjooge Cabdullaahi Xaashi Labajir (Ikhlaas) oo ahaa Madaxa Guud ee Sirdoonka Maleeshiyaadka Khawaarijta, howlgalkaas ayaa ka dhacay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

    Howlgalkan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka ayaa waxaa si gaar ah loogu beegsaday horjoogayaal sar-sare iyo maleeshiyadooda oo muddo ay ku raad-joogeen ciidamada qalabka sida.

    ” Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidamada NISA iyo saaxiibada caalamka 23-Agoosto ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa lagu dilay horjooge Cabdullaahi Xaaji Xirsi labo-jir ( Ikhlaas), kaas oo ahaa madaxa guud ee sirdoonka maleeshiyaadka Khawaarijta, ikhlaas wuxuu ahaa 46-jir ku dhashay Dhuusamareeb, wuxuu Khawaarijta ku biiray 2006-dii, wuxuunna muddadii kooxda ka tirsanaa soo qabtay xilal muhiim ah, intii u dhaxeysay 2009-11-kii, wuxuu madax ka ahaa sirdoonka malewshiyaadka Khawaarijta gobollada Mudug iyo Galguduud, 2011-12, wuxuu madax ka ahaa sirdoonka gobolka Banaadir,”.

    Muddo 10-sanno oo uu horjooge Ikhlaas mas’uul ka ahaa sirdoonka Khawaarijta, wuxuu door weyn ku lahaa xog-uruurinta iyo isku xirka kooxda, sidoo kale, xogta laga hayo horjoogahan ayaa sheegaya in muddadii uu maamulayay xabsiyada Khawaarijta ay dhaceen xadgudubyo iyo ciqaab loo geystay dad rayid ah oo kooxda u xirneyd.

    Howlgallada lagu beegsanayo Khawaraijta oo ay iska kaashadeen ciidanka Hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamka ayaa bilihii u dambeeyay lagu dilay horjoogayaal ka kala tirsanaa qeybaha sirdoonka, qaraxyada, maleesjiyaadka Baadda qaabilsan iyo maamulka deegaannada.

    Maleeshiyaadka la xaqiijiyay geeridiisa ee shacabka Soomaaliyeed lala wadaagay waxaa ka mid ah Saciid Xuuriye oo ah horjoogihii maleeshiyaadka Khawaarijta u qaabilsanaa soo uruurinta Baadda bariga gobolka Hiiraan ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Tardo, sidoo kale, Xamsa Bakool oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijtu ugu yeeraan Jabhadaha ayaa isna lagu dilay howlgalka Tardo.

    Cismaan, horjooge ka tirsanaa waxay Khawaarijtu ugu yeeraan Fursaan, waxaa lagu dilay howlgalka qorsheysan ee ka dhacay deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.Horjooge Cabdi Xaafid oo ka tirsanaa qeybta Qaraxyada, waxaa 12-kii Agoosto lagu dilay howlgal ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

    Taalibaan, horjooge ka tirsanaa qeybta gurmadka ee Khawaarijta gobolka Hiiraan waxaa lagu dilay howlgalka Maxaas. Cumar Xuseen oo ka tirsanaa maleeshiyaadka ay Khawaarijtu ugu yeeraan Jabhadaha waxaa lagu dilay isla howlgal ka dhacay degmada Maxaas, isla howlgalkaas waxaa dhaawac halis ah lagu gaarsiiyay Mustaf Caato oo ahaa madaxa guud waxa ay Khawaarijtu ugu yaaraah jabhadaha gobolka Hiiraan.

    Axmed Cali Jimcaale, horjoogihii Khawaarijta ugu magacownaa degmada Jowhar ayaa lagu dilay howlgal ka dhacay deegaanka Warciise ee gobolka Shabeellaha dhexe. Geedi Maxamed Nuur Cadde, horjoogihii Khawaarijta ee deegaannada Dumaaye iyo Dabagaallo, waxaa lagu dilay isla howlgalka Wraciise.

    Howlgalka dhacay deegaanka Basra, waxaaa fartii luulyo ee sanadkan lagu dilay Horjooge Axmed Caalami Daqare ku magac-dheer, kaas oo ahaa horjooge qaabilsan weerarada loo adeegsado hoobiyeyaasha.

    Ugu dambeyn, ciidamada xoogga dalka ayaa iminka deegaannada hareeraha jiinka wabiga ka wada howlgal lagu sifeynayo maleeshiyaadka Al-shabaab, kuwaas oo mararka qaar si dhuumaaleysi ah deegaannadaas ku yimaada.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleAl-Shabaab oo soo bandhigtay maxbuus ay sheegtay inay ku qabatay dagaalkii Teedaan
    Next Article Madaxweyne Xasan Sheekh oo amar culus siiyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad

    9 November 2026

    Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab

    9 November 2026

    Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?

    9 November 2026

    Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Hiiraan: Guddoomiyihii cusub ee Hirshabeelle oo is casilay maalmo kadib

    9 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad

    By Banaadir249 November 20260

    Washington (Banaadir24) — Warbixin cusub oo uu daabacay wargeyska The Washington Sun ayaa shaaca ka…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab

    9 November 2026

    Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?

    9 November 2026

    Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Hiiraan: Guddoomiyihii cusub ee Hirshabeelle oo is casilay maalmo kadib

    9 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad
    • Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab
    • Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?
    • Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Hiiraan: Guddoomiyihii cusub ee Hirshabeelle oo is casilay maalmo kadib
    • Mareykanka iyo Soomaaliya oo ka shiray dagaalka Al-Shabaab iyo mustaqbalka ciidamada AUSSOM

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d