LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo amar culus siiyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta warbixin guud ka dhageystay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda howlgalada socda iyo qorshayaasha hortabinta u leh ciidamada.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa kooxda Khawaarijta, iyo tallaabooyinka ciidamada dowladda ay ku wadaan ciribtirka cadowga umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka ayaa Madaxweynaha la wadaagay qorshayaasha lagu horumarinayo laguna casriyeynayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo la xiriira mustaqbalka dhow iyo qorshaha fog ee dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidamada qaranka.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ku amray inay laba jibbaaraan howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta, isla markaana la dardargeliyo qorshayaasha casriyeynta, tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Amarkan ayaa imanaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso xoojinta howlgalada amniga iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *