LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Horjooge ka tirsan Al-Shabaab oo isku sooo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka kana sheekeeyay

Horjooge ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Maxamed Coloow Samaan, loogana dhex yaqaanay Kooxda dhexdooda “Cabdi Kaafi”, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ninkan oo watay qori noociisu yahay AK-47 iyo booshkiisa ciidan ayaa ka soo baxsaday deegaanka Ugunji, halkaas oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayaan duqeymo ay geysanayeen Ciidamada dowladda iyo saaxiibada Caalamiga ah.

Sida uu sheegay isa soo dhiibaha, wuxuu horraantii sanadkii 2024 ku biiray kooxda Al-Shabaab, kadib markii uu ku tashkiiliyay horjooge lagu magacaabo Cali Xabad, oo ay qaraabo dhow ahaayeen. Waxa uu xusay in markii hore loo sheegay fikrado marin habaabin ah, balse markii dambe uu arkay dhibaatada iyo culeyska nololeed ee kooxda dhexdeeda ka jiray.

Cali Maxamed Coloow Samaan ayaa sheegay inuu Al-Shabaab kala qeyb galay dagaallo ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, gaar ahaan deegaanka Ugunji oo dhawaan loo geeyay si ay u xoojiyaan weerarro iyo falal amni darro oo lagu dhibaateynayay shacabka.

Hase yeeshee, waxa uu tilmaamay in ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ay fashiliyeen qorshayaashii kooxda, isla markaana cadaadis xooggan oo dhinacyo badan leh uu soo wajahay maleeshiyaadka. Wuxuu intaas ku daray in cabsi, nolol adag iyo kala shaki gudaha kooxda ka jiray ay sabab u noqdeen inuu ka tanaasulo fikirkii khaldan ee lagu qalday.

“Waxaan garowsaday inaan ku socday waddo khaldan, sidaas darteed ayaan go’aansaday inaan isku soo dhiibo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,” ayuu yiri isa soo dhiibaha.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka Mubaarak ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay ninkan isa soo dhiibay. Waxaa halkaasi ku qaabilay Dhamme Cali Mahdi Cabdi Beerdiide, Taliyaha Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October, iyo Dhamme Maxamed Nuur Gumbi, Taliyaha Ururka 215-aad ee Guutada Gaafmeer ee Ciidanka Gaarka ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay inay soo dhaweyso dadka ka soo laabanaya fikirka Al-Shabaab, kuwaas oo doonaya inay dib ugu soo laabtaan bulshada iyo nolol nabdoon.

Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Qaranka ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo deegaanno badan oo ka tirsan gobollada dhexe iyo koonfurta dalka laga saaray maleeshiyaadka, laguna burburiyay fariisimahoodii.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *