Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad

    9 November 2026

    Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab

    9 November 2026

    Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?

    9 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo xaqiijiyay in Soomaaliya ay xeelad iyo xoog u adeegsanayso ka hortagga duullaanka Israa’iil
    LATEST NEWS

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo xaqiijiyay in Soomaaliya ay xeelad iyo xoog u adeegsanayso ka hortagga duullaanka Israa’iil

    Banaadir24By Banaadir242 August 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay adeegsaneyso dhammaan awoodaha diblomaasiyadeed, iskaashiga caalamiga ah iyo xeeladaha kale ee suurtagalka ah si looga hortago duullaanka Israa’iil ee ka dhanka ah dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay si cad uga soo horjeeddo joogitaanka Israa’iil ee dhulka Soomaaliya , isla markaana mowqifkeeda ay si joogto ah uga muujisay fagaarayaasha caalamiga

    “Duullaanka Israa’iil ee dalkeenna si cad ayaan u diidnay. Maanaan qarin, fagaarayaasha adduunka oo dhan ayaan la taaganahay, dadkeenana waa u sheegnay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hor hadlayay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Soomaaliya aysan oggolaan doonin in colaadaha muddada dheer ka jiray Bariga Dhexe loo soo raro gobolka Geeska Afrika, maadaama ay taasi saameyn ku yeelan karto nabadda iyo xasilloonida gobolka, wuxuuna yiri:

    “Colaadda iyo dhibaatada qarni ku dhowaadka ka jirtay Bariga Dhexe in Geeska Afrika la keenaa si sahlan ma aha.”

    Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqeyneyso xoog, xeelad, diblomaasiyad iyo iskaashi caalami ah si looga hortago in xaaladaha colaadeed ee gobolka ay ku fidaan Geeska Afrika.

    “Waxaan ka shaqeyneynaa xoog, xeelad, diblomaasiyad iyo iskaashi caalami ah. Waxaan u isticmaaleynaa inaysan meeshaas degin.”

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyay in Soomaaliya aysan u arkin wax dan ah oo ugu jira shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka joogitaanka Israa’iil, isagoo ku celiyay in mowqifka Soomaaliya uu yahay mid cad.

    “Wax dan ah oo umadda Soomaaliyeed ugu jira ma jiraan iyo deegaanka iyo gobolka. Sidaas daraaddeed, mar walba Soomaaliya cod dheer iyo mid gaaban waxay ku leedahay Israa’iil: hana naga baxdo.”

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya ay ku dhisan tahay ilaalinta madax-bannaanida dalka, nabadda gobolka iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah, isagoo xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay sii wadi doonto dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleMadaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya ay dib u soo ceshatay kaalinteedii caalamiga ahayd
    Next Article Al-Shabaab oo Weerar Lama Filaan ah Ku Qabsaday Saldhigga Ciidamada Jubbaland, Dabna Qabadsiisay…
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad

    9 November 2026

    Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab

    9 November 2026

    Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?

    9 November 2026

    Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Hiiraan: Guddoomiyihii cusub ee Hirshabeelle oo is casilay maalmo kadib

    9 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad

    By Banaadir249 November 20260

    Washington (Banaadir24) — Warbixin cusub oo uu daabacay wargeyska The Washington Sun ayaa shaaca ka…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab

    9 November 2026

    Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?

    9 November 2026

    Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Hiiraan: Guddoomiyihii cusub ee Hirshabeelle oo is casilay maalmo kadib

    9 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Soomaalida Minnesota oo bartilmaameed u noqotay Stephen Miller, sir cusub oo laga helay Aqalka Cad
    • Xog culus: Abaanduule hore oo Muqdisho ka baxay, kuna biiray Al-Shabaab
    • Soomaaliya oo dhexda ka gashay qorshaha gantaallada riddada dheer ee Turkiga – Maxaa ka socda Warsheekh?
    • Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Hiiraan: Guddoomiyihii cusub ee Hirshabeelle oo is casilay maalmo kadib
    • Mareykanka iyo Soomaaliya oo ka shiray dagaalka Al-Shabaab iyo mustaqbalka ciidamada AUSSOM

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d