Al-Shabaab oo Weerar Lama Filaan ah Ku Qabsaday Saldhigga Ciidamada Jubbaland, Dabna Qabadsiisay…

Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamada Jubbaland ku lahaayeen duleedka degmada Doolow ee gobolka Gedo, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in kooxdaasi ay si ku-meel-gaar ah ula wareegtay saldhigga ka hor inta aysan dib uga bixin.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka, dagaal xooggan ayaa qarxay kaddib markii Al-Shabaab ay weerarka ku billowday hub culus iyo mid fudud. Ciidamada Jubbaland ee ku sugnaa saldhigga ayaa la sheegay inay dib uga gurteen goobta xilli uu dagaalku sii xoogeystay, taasoo u sahashay kooxda inay gudaha u gasho saldhigga.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dab qabadsiisay xarunta ciidamada ka hor bixitaankooda, iyadoo dabku uu geystay burbur ballaaran oo soo gaaray dhismayaashii iyo kaabayaashii saldhigga.
Ciidamada Jubbaland ayaa la sheegay inay dib ugu laabteen saldhigga saacado kaddib markii kooxda ay isaga baxday, hase yeeshee lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac soo kala gaaray.
Sidoo kale, weli ma cadda in hub, gaadiid ciidan ama qalab kale oo milatari lagu qabsaday ama lagu burburiyay weerarka. Maamulka Jubbaland ayaan weli soo saarin war rasmi ah oo faahfaahinaya dhacdadan.









