LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Maamulka Koonfur Galbeed oo ka digay qaraxyo Al-Shabaab u maleegayaan Baydhabo

Hoggaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa faray hay’adaha amniga inay si degdeg ah u xoojiyaan sugidda ammaanka magaalada Baydhabo, iyadoo halkaasi la filayo inay dhowaan ka dhacaan doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo ka hadlayay munaasabad maanta lagu dhaarinayay Wasiirka cusub ee Amniga Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in ay heleen xog muujinaysa in kooxda Al-Shabaab ay qorsheynayaan falal qaraxyo ah oo ay ka geystaan Baydhabo. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah looga hortago khatarahaas.

Sidoo kale, hoggaamiyaha KMG ah ayaa amray in si gaar ah loo baaro dadka magaalada soo galaya, gaar ahaan kuwa lugta ku soo gala ee sida caanaha iyo cowska, si looga hortago in ay ku dhex dhuuntaan xubno ka tirsan Al-Shabaab.

“Waxaa lama huraan ah in dhammaan hay’adaha amniga ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, ayna ka shaqeeyaan sugidda amniga shacabka iyo goobaha doorashooyinka,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli isbeddel siyaasadeed uu ka dhacay Koonfur Galbeed, kadib markii si xooga ah meesha looga saaray maamulkii hore ee Lafatagareen, isla markaana dowladda Federaalka Soomaaliya ay si toos ah ula wareegtay gacan ku haynta magaalada Baydhabo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *