DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo Safiir cusub u magacaawday dalka Nigeria warqadaha Aqoonsigana laga guddoomay

Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria, Maxamed Cismaan Maxamed, ayaa si rasmi ah u gudbiyay warqadaha aqoonsiga safiirnimo, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Nigeria.

Munaasabadda gudbinta warqadaha aqoonsiga ayaa ka dambeysay kulan muhiim ah oo lagu qabtay xarunta wasaaradda, kaasoo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Nigeria. Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada mudnaanta leh, oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, dhaqaalaha, iyo iskaashiga heer goboleed iyo heer caalami.

Safiirka cusub ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya inay sii xoojiso xiriirka diblomaasiyadeed iyo wada shaqeynta kala dhaxeysa Nigeria, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashi miro-dhal ah oo dhex mara labada dal.

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Nigeria ayaa soo dhaweeyay safiirka cusub, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay siinayaan xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya, isla markaana ay diyaar u yihiin in la sii xoojiyo wada shaqeynta labada dal.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay Soomaaliya ku xoojineyso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka Afrika, si loo helo iskaashi waara oo wax ku ool ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *