LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA
Gaari qaraxyo iyo hub siday oo la beegsaday, NISA oo fulisay howlgal qorsheysan

NISA iyo saaxiibada caalamka oo howlgal culus ka fuliyay Shabeellada Hoose, Khawaarijta oo khasaare xooggan lagu gaarsiiyay
Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA iyo saaxiibada caalamka ayaa goordhow ka dhacay deegaanka Daniga Baalow ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Howlgalka ayaa lagu beegsaday gaari ay saarnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kaas oo la sheegay in ay saarnaayeen qaraxyo iyo hub.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in howlgalka khasaare xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Khawaarijta, iyadoo faahfaahin dheeraad ah laga sugayo khasaaraha iyo cidda ku jirtay gaariga.
La soco Banaadir24 Online wixii soo kordha.









