Laftagareen oo war lama filaan ah kasoo saaray dagaalkii Baydhabo

Xafiiska Madaxweynihii hore Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa sheegay in ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ay si buuxda ula wareegeen goobihii ay ku sugnaayeen ciidamadii ka baxay magaalada Baydhabo, kaddib howlgallo amni oo maanta ka dhacay magaalada.
War-saxaafadeedka maanta kasoo baxay xafiiska Laftagareen ayaa lagu sheegay in ciidamada Daraawiishtu ay gacanta ku dhigeen hub iyo gaadiid dagaal, iyadoo ciidamada ammaanka ay wadaan howlgallo lagu sugayo amniga laguna baarayo goobihii ay ciidamadu ka baxeen.
Xafiiska Laftagareen wuxuu sheegay in intii uu howlgalku socday laba gaari oo kale la qabtay, halka saddex gaari la baarayo, iyadoo sidoo kale sheegtay in khasaaro xooggan loo geystay ciidamada Salbalaare iyo Afbalaare ee sida sharcidarada ah kusoo duulay magaalada.
Maamulka ayaa shacabka Baydhabo ugu baaqay inay isdejiyaan, la shaqeeyaan laamaha amniga, kana fogaadaan goobaha howlgalladu ka socdaan.
Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegtay inay ka go’an tahay difaaca shacabka, sugidda amniga iyo ilaalinta xasiloonida magaalada Baydhabo.










