LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Kulan Muqdisho uga socdo Siyaasiyiinta mucaaradka & Duubabka Dhaqanka Soomaaliyeed

Magaalada Muqdisho waxaa caawa ka socda kulan muhiim ah oo u dhexeeya siyaasiyiinta mucaaradka ee Golaha Samatabixinta Qaranka iyo Duubabka Dhaqanka Soomaaliyeed ee dhawaan soo gaaray Caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya xubno miisaan culus ku leh siyaasadda dalka, oo ay ka mid yihiin madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo ay sidoo kale goob joog ka yihiin siyaasiyiin kale oo mucaarad ah.

Duubabka Dhaqanka Soomaaliyeed oo maalmo ka hor kulan la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inay la wadaagaan mucaaradka xog iyo aragtiyo ku saabsan waxyaabihii ay kala soo kulmeen kulankoodii madaxtooyada.

Kulamadan wada-tashiga ah ayaa qeyb ka ah dadaallada ay mucaaradku wadaan si ay mowqif mideysan uga yeeshaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan iyadoo lagu wajahayo 15-ka May oo ku beegan dhammaadka muddo xileedka dowladda hadda jirta.

Wararka laga helayo kulanka ayaa tilmaamaya in diiradda la saarayo arrimaha doorashooyinka, kala guurka siyaasadeed, iyo doorka ay bulshada rayidka iyo odayaasha dhaqanku ka qaadan karaan xasilloonida dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *