LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Khaliif Cabdulle Maalin oo Mar Kale Loo Magacaabay Taliyaha Booliska Galmudug

G/Sare Khaliif Cabdulle Maalin ayaa xilka Taliyaha Qeybta Booliska Galmudug dib loogu magacaabay kadib markii isbeddel degdeg ah oo lagu sameeyay hoggaanka ciidanka.

Khaliif Cabdulle Maalin ayaa hore xilkan looga qaaday xilligii uu taagnaa khilaafkii siyaasadeed ee u dhexeeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoorqoor, iyo Dowladda Federaalka, iyadoo la sheegay xilligaas inuu la saftay Qoorqoor.

Magacaabistan cusub ayaa meesha ka saartay Maxamed Daahir Cabdulle, oo dhawaan loo magacaabay Taliyaha Booliska Galmudug, kana yimid Guutada VIP-ta ee Booliska Soomaaliya.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in isbeddelladaasi ay saameeyeen hoggaanka Guutada VIP-ta, iyadoo xilkaas loo magacaabay Cabdiraxmaan Yamani, oo la sheegay inuu taageero ka helay Xukuumadda Federaalka.

Dib u soo laabashada Khaliif Cabdulle Maalin ayaa si weyn u soo jiidatay indhaha dadka siyaasadda iyo amniga falanqeeya, iyadoo loo arko inay muujin karto isbeddel ku yimid xiriirka Dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug. Dowladda goboleedka Galmudug weli kama aysan bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan sababta keentay magacaabistan cusub.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *