LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamada Puntland oo Saddex Jiho ka Hareereeyay Xarunta PSF ee Gaalkacyo

Ciidamada dowladda Puntland ayaa maanta oo Talaado ah dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka sameeyay magaalada Gaalkacyo, iyagoo la sheegay inay saddex jiho ka hareereeyeen xarunta ay ku sugan yihiin ciidamada PSF ee taageersan dowladda federaalka, sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli maamulka Puntland uu maalmihii u dambeeyay si weyn u xoojinayay ciidamadiisa ku sugan Gaalkacyo, inkastoo aysan masuuliyiintu weli si rasmi ah uga hadlin ujeeddada howlgalka ama haddii uu qayb ka yahay qorsheyaal amni oo ballaaran.

Dhanka kale, isla maanta waxaa degmada Boosaaso, gaar ahaan xaafadda Tuurta ee bariga magaalada, ka dhacay iska horimaad kooban oo dhex maray ciidamo ka tirsan PSF iyo ciidamada ammaanka Puntland.

Rasaastii koobaneyd ayaa sababtay dhimashada hal qof oo rayid ah, kaas oo sida ay sheegeen dadka deegaanka nolol maalmeedkiisa ku maareyn jiray iibinta cadayga.

Dhacdooyinkan ayaa kusoo aadaya iyadoo xaaladda amni ee Puntland ay maalmihii lasoo dhaafay sii adkaanaysay, islamarkaana maamulka uu kordhiyay dhaq-dhaqaaqyada ciidamada ee deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolka Mudug iyo magaalooyinka kale.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *