In ka badan 15 Dal oo ka horyimid tallaabo ay qaadeen Somaliland iyo Israa’iil

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Masar, Sacuudi Carabiya, Qatar, Urdun, Turkiga, Pakistan, Indonesia, Jabuuti, Soomaaliya, Falastiin, Cumaan, Suudaan, Yemen iyo Lubnaan ayaa si wadajir ah uga soo saaray bayaan ay si adag uga horjeedaan tallaabo lagu sheegay in Somaliland ay qorsheynayso inay safaarad uga furato magaalada Qudus.
Kulanka wasiirrada ayaa lagu sheegay in arrintan ay tahay mid si toos ah uga hor imaanaysa sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay ee la xiriira xaaladda magaalada barakeysan ee Qudus, taas oo muddo dheer ahayd meel muran siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed ka taagnaa.
Wasiirradu waxay caddeeyeen in magaalada Qudus ay leedahay xaalad gaar ah oo lagu qeexay qaraarrada caalamiga ah, islamarkaana aan la aqbali karin tallaabo kasta oo lagu beddelayo xaaladdeeda sharci iyo siyaasadeed. Waxay sheegeen in furitaanka safaarad kasta oo lagu sameeyo Qudus ay dhaawacayso dadaallada nabadeed ee gobolka iyo xuquuqda shacabka Falastiin.
Bayaanka ayaa lagu xusay in:
“Tallaabo kasta oo lagu doonayo in lagu sharciyeeyo qabsashada ama lagu beddelo xaaladda magaalada Qudus aysan noqon doonin mid la aqbalo.”
Dalalkan ayaa sidoo kale ku baaqay in la ixtiraamo dhammaan qaraarradii hore ee Golaha Ammaanka iyo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee khuseeya magaalada Qudus.
Dhanka kale, wasiirrada ayaa si cad u muujiyay taageeradooda ku aaddan midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxay sheegeen in aysan aqbali doonin tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada Soomaaliya ama horseedi karta kala qeybsanaan siyaasadeed iyo mid dhuleed.
Bayaanka wadajirka ah ayaa lagu yiri:
“Waxaan si buuxda u taageersanahay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.”
War-saxaafadeedkan ayaa la filayaa inuu saameyn ku yeesho doodaha diblomaasiyadeed ee ka socda gobolka Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika, gaar ahaan xiriirka Soomaaliya iyo dalalka taageera qadiyadda Falastiin.









