LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo ku dhawaaqaya Go’aan culus, xilli laga sugayo…..

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maanta si rasmi ah loo soo gabagabeeyay kulamadii u socday Maxkamadda Sare ee Soomaaliya iyo Guddiga Doorashooyinka, kuwaas oo la xiriiray arrimaha doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS).

Sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow dhinacyada kulamadaasi, Maxkamadda Sare ayaa la filayaa inay galabta soo saarto warqad rasmi ah oo caddeyneysa in doorashadii ka dhacday Koonfur Galbeed ay ahayd mid u dhacday si xor iyo xalaal ah, isla markaana waafaqsan habraacyadii iyo shuruucdii lagu hagayay geeddi-socodka doorashada.

Go’aanka la filayo inuu kasoo baxo Maxkamadda Sare ayaa lagu tilmaamayaa mid muhiimad weyn u leh xasilloonida siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, maadaama muddooyinkii dambe ay jireen dood iyo hadallo siyaasadeed oo ku saabsan hufnaanta doorashadaasi.

Dhanka kale, Guddiga Doorashooyinka ayaa lagu wadaa inuu ugu dambeyn berri si rasmi ah ugu dhawaaqo liiska xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Liiskan ayaa la filayaa inuu soo afjaro sugitaan dheer oo ay bulshada iyo siyaasiyiintu ku jireen.

Shacabka ku nool deegaanada Koonfur Galbeed iyo guud ahaan Soomaaliya ayaa si weyn indhaha ugu haya natiijooyinka iyo shaacinta xubnaha Golaha Wakiillada, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaari doona jihada siyaasadeed iyo maamulka dowlad goboleedkaasi.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *