Ibrahim Najax oo Si Kulul u Weeraray Siyaasiyiinta KGS, Puntlandna Ku Tilmaamay Tusaale Lagu Daydo

Guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellaha Hoose, Ibraahim Cali Najax, ayaa qoraal uu baahiyay ku ammaanay maamulka iyo shacabka Puntland, isagoo sheegay inay ka gaashaanteen, sida uu hadalka u dhigay, dadaallo lagu doonayay in lagu wiiqo maamulkooda.
Najax ayaa ku dooday in Puntland ay diidday ballanqaadyo isugu jiray dhaqaale, darajooyin ciidan iyo mansabyo siyaasadeed oo, sida uu sheegay, looga gol lahaa burburinta maamulka.
Dhanka kale, wuxuu dhaliil u jeediyay siyaasiyiin ka tirsan Koonfur Galbeed, isagoo ku eedeeyay inay hormuud u noqdeen burburinta deegaankooda, isla markaana ay ka hormariyeen dano gaar ah maslaxadda bulshada.
Wuxuu sidoo kale xusay in siyaasaddu ay u baahan tahay casharro iyo waayo-aragnimo, isagoo ugu dambeyn hambalyo u diray shacabka iyo siyaasiyiinta Puntland, kuna bogaadiyay mowqifkooda.
Waa kan qoraalka guddoomiyaha:-
PUNTLAND IYO DADKEEDA WAX KA BARTA REER KGS.
DHAQAALE, DARJO CIIDAN IYO MANSAB KASTA OO LOO BALAN QAADAY SI MAAMULKOODA LOO BURBURIYO WAYDIIDEEN.
KGS DALAALIIN DEEGAANKOODA U NAXEYNIN DANLEEY AH AYAA HORMUUD KA NOQDAY BURBURINTEEDA.
SIYAASADA BARASHO AYAY RABTAA.
HAMBALYO SHACABKA IYO SIYAASIYAHIINTA PUNTALAND.









