Ciidanka Danab oo jab xanuun badan gaarsiiyay Al-Shabaab & Saraakiil gacanta lagu dhigay

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Jubbaland, ayaa waaberigii maanta howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab ka fuliyey deegaanka Baqdaad ee hoostaga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta, waxaana lagu dilay laba horjooge iyo 14 dhagarqabe oo ka tirsanaa kooxda argagixisada ah. Sidoo kale, ciidamada ayaa nolol ku qabtay laba horjooge oo kale oo ka tirsan Khawaarijta.
Intii uu howlgalku socday, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub iyo qalab ciidan oo ay maleeshiyaadka Khawaarijta u adeegsan jireen weerarrada iyo dhibaataynta dadka rayidka ah.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay sii wadi doonaan howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, si loo xoreeyo deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan, loona xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida guud ahaan dalka.










