Howlihii Wasaaradda Arimaha Dibadda Oo Istaagay Kadib Markii Korontada Laga Jartay

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ay maanta hakisay shaqadeedii kadib markii korontada laga jaray xarunteeda, sababo la xiriira biilal koronto oo la sheegay inaan la bixin.
Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda, kana gaabsaday in magaciisa la shaaciyo maadaama uusan fasax u haysan inuu warbaahinta la hadlo, ayaa sheegay in koronto la’aanta ay sababtay in howlihii caadiga ahaa ee wasaaraddu ay istaagaan.
Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale sheegay in safarradii dibadda ee rasmiga ahaa ee shaqaalaha wasaaradda la hakiyay, kaddib markii la sheegay in wasaaraddu ay bixin weyday lacago lagu lahaa shirkadaha qaabilsan qabanqaabada safarrada dibadda.
Shaqaalaha wasaaradda ayaa ku doodaya in xaaladdan ay timid iyadoo Wasaaradda Maaliyadda aysan weli sii deyn miisaaniyaddii howlgalka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, arrintaas oo la xiriirinayo caqabado dhaqaale oo la sheegay inay wajahayaan hay’adaha dowladda.
Arrintaan ayaa sare u qaadeysa walaaca laga qabo awoodda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee gudashada waajibaadkeeda diblomaasiyadeed iyo xiriirrada caalamiga ah xilli Soomaaliya ay wadato iskaashi dhinacyada amniga, gargaarka bani’aadannimo iyo horumarinta.
Ilaa iyo hadda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Maaliyadda midkoodna si rasmi ah ugama uusan hadlin ama uusan xaqiijin wararka ku saabsan hakadka shaqada iyo dib u dhaca miisaaniyadda.









