LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Baarlamaanka Soomaaliya oo Si Rasmi ah u shaaciyay goorta uu furmayo Kalfadhigiisa 8-aad

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay in Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka 11-aad la furi doono maalinta Sabtida, 1-da Agoosto 2026.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Guddoonka Labada Aqal ayaa lagu sheegay in xildhibaannada Golaha Shacabka iyo xubnaha Aqalka Sare lagu wargeliyay inay soo xaadiraan kahor taariikhda furitaanka, si loo dardargeliyo gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee horyaalla Baarlamaanka.

Guddoonku wuxuu xusay in furitaanka kalfadhigan uu muhiim u yahay sii wadista howlaha sharci-dejinta, la-xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo ka doodista arrimaha masiiriga ah ee khuseeya dalka.

Kalfadhiga 8-aad ayaa la filayaa inuu diiradda saaro ajandayaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin amniga, doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka iyo sharciyada horyaalla Baarlamaanka, iyadoo la sugayo ajandaha rasmiga ah ee kulanka ugu horreeya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *