Booliska Soomaaliya oo Muqdisho ku qabtay Nin dil ka geystay Gobolka Hiiraan

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan waaxda Dambi Baarista ee CID, ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane lagu magacaabo Cabdifitaax Shaafici Daahir, kaas oo loo haysto inuu geystay fal dil iyo dhaawac leh oo ka dhacay degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.
Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, eedeysanahan ayaa si arxan darro ah u dilay marxuum Cali Faarax Daahir Wabi oo da’diisu ahayd 60 jir, halka uu sidoo kale dhaawac u geystay Cabdi Jimcaale Garood. Falkaas ayaa dhacay taariikhdu markay ahayd 20-ka May 2026, wuxuuna argagax ku abuuray bulshada ku nool degmada Halgan iyo deegaannada ku dhow dhow.
Wararka hordhaca ah ee laga helayo hay’adaha ammaanka ayaa tilmaamaya in eedeysanuhu uu isla markiiba ka baxsaday gobolka Hiiraan kadib markii uu falka geystay, isaga oo isku dayay inuu ka dhuunto gacanta ciidamada ammaanka.
Taliska CID ayaa bilaabay howlgallo iyo baaritaanno lagu baadi goobayay eedeysanaha, kuwaas oo ugu dambeyn horseeday in lagu soo qabto deegaanka Ceelmacaan, xilli uu si dhuumaaleysi ah ugu saarnaa gaari la sheegay inuu ku baxsanayay.
Saraakiisha CID ayaa sheegay in baaritaanno dheeraad ah ay weli socdaan, si loo xaqiijiyo dhammaan faahfaahinta la xiriirta dhacdada iyo sababaha ka dambeeyay falkaasi.
Hay’adaha ammaanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in eedeysanaha la horgeyn doono cadaaladda, islamarkaana sharciga lagu marsiin doono falalka culus ee lagu eedeeyay.
Dhacdadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo waaxda CID ku xoojinayaan sugidda ammaanka iyo la dagaallanka dambiyada ka dhaca dalka, iyadoo shacabka lagu booriyay inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka si loo xaqiijiyo nabadgelyada bulshada.









