LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo billaawday qorsho looga hortagayo weerarada Ciidamada Laftaagreen

Taliye Xigeenka Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Cabdullaahi Xuseen Ciro, iyo Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Dhexe Isxaaq Aadan (Isxaaq Berdaale), ayaa kulan muhiim ah oo ku saabsan dardargelinta howlaha amniga iyo xoojinta wada shaqeynta ciidamada la yeeshay saraakiisha kala duwan ee Qeybta 60-aad ee CXDS.

Kulanka oo ka dhacay xarunta taliska Qeybta 60-aad ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa amniga guud ee deegaannada ay ka howlgalaan ciidamada, dardargelinta howlgalada lagu xaqiijinayo nabadgelyada shacabka, iyo kor u qaadista wada shaqeynta saraakiisha iyo cutubyada kala duwan ee ciidanka.

Saraakiisha qeybta ayaa Taliyeyaasha la wadaagay warbixino ku saabsan xaaladda amniga, howlgalada socda iyo guulaha laga gaaray sugidda amniga deegaannada ay ciidamada ka howlgalaan. Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga hadlay muhiimadda ay leedahay diyaar garowga joogtada ah ee ciidamada iyo adkeynta gudashada waajibaadka qaran ee saaran Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliye Xigeenka Ciidanka Lugta, General Cabdullaahi Xuseen Ciro, ayaa saraakiisha iyo ciidamada ku boorriyey inay sii laba jibaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka, isagoo carrabka ku adkeeyey in shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin ciidan heegan u ah difaaca qaranka iyo la dagaallanka kooxaha amniga lidka ku ah.

Dhankiisa, Taliyaha Qeybta 60-aad, Gaashaanle Dhexe Isxaaq Aadan (Isxaaq Berdaale), ayaa tilmaamay in ciidamada qeybta ay door muuqda ka qaateen howlgalada lagu sugayo amniga, islamarkaana ay sii wadi doonaan dadaallada lagu ciribtirayo khataraha amni ee jira.

Ugu dambeyn, Taliyeyaasha ayaa ku bogaadiyey saraakiisha iyo ciidamada Qeybta 60-aad shaqada adag iyo naf-hurnimada ay ku bixiyaan difaaca dalka iyo sugidda amniga shacabka Soomaaliyeed, iyagoo xusay in wada shaqeyn buuxda iyo feejignaan joogto ah ay muhiim u yihiin guusha howlgalada amni ee dalka ka socda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *