FBI oo $150,000 dul dhigtay Fahad Mohamed Nur

Hay’adda Dambi-baarista Federaalka Mareykanka ee FBI ayaa ku dhawaaqday abaalmarin gaareysa $150,000 oo loo balanqaaday qofkii keena xog horseedda qabashada iyo xukunka Fahad Mohamed Nur, oo ka mid ah dadka lagu eedeeyay khiyaano lacageed oo malaayiin dollar ah.
Fahad Mohamed Nur ayaa lagu daray liiska gaarka ah ee FBI-da ee Most Wanted Fraudsters, kadib markii lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa kiis weyn oo la xiriira lunsashada lacag loogu talagalay barnaamijka federaalka Mareykanka ee quudinta carruurta xilligii COVID-19.

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha Mareykanka, Nur wuxuu maamulayay shirkad lagu magacaabo The Produce LLC, taas oo heshay in ka badan $5 milyan oo ka mid ah lacagihii dowladda Mareykanka loogu talagalay in carruurta lagu gaarsiiyo cunto.
FBI-da ayaa ku eedeysay inuu lacagahaas ku helay qaansheegadyo iyo dukumentiyo been abuur ah, iyadoo la sheegay in cuntooyin badan oo lacagtooda la bixiyay aan dhab ahaan la keenin.
Nur waxaa Minnesota lagu soo oogay dacwad sanadkii 2022, waxaana lagu eedeeyay musuq iyo lacag-dhaqid.
FBI ayaa sheegtay in Nur uu ka baxay Mareykanka bishii Janaayo 2022, kahor inta aan la qaban, waxaana hay’addu aaminsan tahay inuu xiriir la leeyahay Soomaaliya isla markaana laga yaabo inuu hadda ku sugan yahay dalka Soomaaliya.
Kiiskan wuxuu qeyb ka yahay fadeexadda weyn ee Feeding Our Future, oo lagu eedeeyay in boqolaal milyan oo dollar oo loogu talagalay quudinta carruurta Mareykanka xilligii cudurka COVID-19 si khiyaano ah loo lunsaday.
FBI ayaa hadda dadka heysta xog ku saabsan halka uu Fahad Mohamed Nur ku sugan yahay ugu baaqday inay la xiriiraan hay’adda, iyadoo $150,000 ay u diyaarisay xog horseedda qabashadiisa iyo xukunkiisa.









