Al-Shabaab oo qarax culus ka fulisay Muqdisho iyo 5 askari oo…

Qarax miino oo lagu beegsaday gaari ay la socdeen ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, iyadoo weerarka uu sababay dhimasho iyo dhaawac.
Ilo dhanka amniga ah ayaa sheegay in qaraxa lagu dilay 3 askari, halka 2 kale ay ku dhaawacmeen. Qaraxa ayaa la sheegay inuu dhacay saacadihii hore ee Axaddii, xilli gaariga ciidamada uu marayay mid kamid ah waddooyinka degmada.
Sida ay sheegeen ilo amni, weerarka waxaa ka dambeeyay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo qaraxa ku bartilmaameedsaday gaariga dowladda.
Dayniile ayaa kamid ah degmooyinka Muqdisho ee ay si joogto ah uga dhacaan weerarrada lagu beegsado ciidamada iyo shaqaalaha dowladda.
Ciidamada dowladda oo howlgallo sameeyay qaraxa kadib ayaysan jirin cid ay usoo qabteen qaraxa lagu dilay askarta.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda ay wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo ammaanka caasimadda uu weli yahay mid si dhow loola socdo.









