Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Wararkii ugu dambeeyay: Ciidamada dowladda oo lagu weeraray waddada Leego

    8 November 2026

    Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…

    8 November 2026

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    8 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Fadeexad:- Qeylo-dhaan kasoo yeertay Xujeyda Soomaaliyeed & lacago…
    LATEST NEWS

    Fadeexad:- Qeylo-dhaan kasoo yeertay Xujeyda Soomaaliyeed & lacago…

    Banaadir24 EditorBy Banaadir24 Editor19 May 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qaar kamid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka ayaa ka cabanaya dhibaatooyin nololeed oo ay sheegeen inay kasoo wajahday goobaha ay degan yihiin ee dalka Sacuudiga, xilli lacag badan laga qaaday kahor safarkooda.

    Xujeydan oo qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay wajahayaan xaalado adag oo dhinaca nolosha ah, kuwaasi oo ay kamid yihiin cunno yari, gaadiid la’aan iyo hoy ka fog goobaha cibaadada gaar ahaan Masjidka Xaramka.

    Qaar kamid ah dadka cabashada muujinaya ayaa sheegay in goobaha la dejiyay ay aad uga fog yihiin Xaramka, taasoo ku qasabtay inay lug dheer ku tagaan goobaha cibaadada, iyadoo intooda badan ay yihiin dad waayeel ah oo aan awoodin socodka dheer.

    Waxay sidoo kale sheegeen in haweenkii Soomaaliyeed ee cuntada u karin jiray ama ay ka iibsan jireen raashinka laga eryay goobihii ay deganaayeen, taasina ay keentay inay waayaan meel ay si fudud uga helaan cunto ku habboon.

    “Lacag badan ayaa nala soo siiyay, balse maanta waxaan la dhibtoonaynaa cunno iyo gaadiid la’aan. Dad badan waa daalan yihiin, qaarna caafimaad ahaan ayay saameyn ku yeelatay,” ayuu yiri mid kamid ah xujeyda cabashada qabta.

    Xujeyda ayaa sheegay inay sidoo kale waayeen gaadiid ay ku tagaan goobaha muhiimka ah ee cibaadada, taas oo sii kordhisay culayska heysta xilli cimiladu aad u kulushahay.

    Waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, ugu baaqeen inay si deg deg ah uga jawaabto cabashadooda islamarkaana wax ka qabato xaaladaha adag ee ay wajahayaan.

    Ilaa hadda ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ama hay’adaha qaabilsan adeegyada xujeyda ee ku saabsan cabashooyinka kasoo yeeraya qaar kamid ah xujeyda Soomaaliyeed ee ku sugan Sacuudiga.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleKhasaaro ka dhashay weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Magaalada Baydhabo
    Next Article Taliye Mahad Salaad & Saraakiil kale oo lagu Gubadley & kulan xasaasi ah..
    Banaadir24 Editor
    • Website

    Related Posts

    Wararkii ugu dambeeyay: Ciidamada dowladda oo lagu weeraray waddada Leego

    8 November 2026

    Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…

    8 November 2026

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    8 November 2026

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Wararkii ugu dambeeyay: Ciidamada dowladda oo lagu weeraray waddada Leego

    By Banaadir248 November 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Warar laga helayo ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan Taliska Ciidanka Xoogga…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…

    8 November 2026

    Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan

    8 November 2026

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Wararkii ugu dambeeyay: Ciidamada dowladda oo lagu weeraray waddada Leego
    • Xuutiyiinta Yemen oo Al-Shabaab ku taageeraya Drones iyo hub casri ah & DF oo digniin soo…
    • Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu dowladnimadii Soomaaliya u beddelay mashruuc dano qabiil ku dhisan
    • Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan
    • Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d