Fadeexad Ka Dhex Qaraxday Wasaaradda Shaqada? Eedeymo Culus Oo Hareeyay Agaasimaha Guud

Xog ay heshay Banaadir24 iyo warbixino ay xaqiijiyeen ilo kala duwan ayaa muujinaya walaac isa soo taraya oo ka dhex jira qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shaqaale ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaas oo la xiriira hab-maamulka mashaariicda ay maalgeliyaan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.
Ilo xog-ogaal ah ayaa Banaadir24 u sheegay in Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Maxamed Saney Dalmar, uu wajahayo eedeymo ku saabsan habka loo maamulayo mashaariicda dibadda laga maalgeliyo. Eedeymahaas waxaa ka mid ah, sida ay iluhu sheegeen, dib u dhac ku yimid fulinta hawlo qorshaysnaa, caqabado ku yimid bixinta mushaharka shaqaalaha, iyo cadaadis lagu hayo qaar ka mid ah shaqaalaha.
Sida ay sheegeen ilo ka tirsan wasaaradda, walaaca ugu weyn wuxuu ku saabsan yahay mashruuca BOOST-YOU (oo hore loogu yiqiin Baxnaano) iyo mashruuca SAGAL, kuwaas oo ay maalgeliyaan hay’ado caalami ah. Ilo-wareedyadu waxay ku andacoonayaan in tallaabooyin maamulka qaarkood aysan waafaqsanayn habraacyada maaliyadda, wax iibsiga iyo isla xisaabtanka ee deeq-bixiyeyaashu dhigaan.
Shaqaale codsaday inaan magacyadooda la shaacin ayaa sheegay inay la kulmeen amarro ay ku tilmaameen kuwo ka baxsan habraacyada shaqada, isla markaana ay jireen cabsi laga qabo tallaabooyin ay ka mid yihiin shaqo ka joojin, joojinta mushaharka ama xil ka qaadis haddii ay diidaan amaradaas.
Wararka ay Banaadir24 heshay ayaa sidoo kale sheegaya in qaar ka mid ah mashaariicda muhiimka ah ay wajahaan dib u dhac iyo hakad, arrintaas oo haddii la xaqiijiyo saameyn ku yeelan karta barnaamijyada ilaalinta bulshada ee Soomaaliya.
Qaar ka mid ah ilaha dowladda ayaa intaas ku daray in Agaasimaha Guud uu mararka qaar ku dooday inuu haysto taageero uga timaadda mas’uul sare oo dowladda ka tirsan, hase yeeshee Banaadir24 si madax-bannaan uma xaqiijin karto sheegashadaas.
Waxaa xusid mudan in ilaa hadda Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Maxamed Saney Dalmar, uusan ka jawaabin eedeymahan, sidoo kale Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Bangiga Adduunka midkoodna kama soo saarin war rasmi ah oo arrintan ku saabsan.
Banaadir24 waxay diyaar u tahay inay daabacdo jawaab kasta oo rasmi ah oo ka timaadda Agaasimaha Guud, Wasaaradda Shaqada, ama Bangiga Adduunka si loo xaqiijiyo dheelitirka iyo hufnaanta warbixinta.









