LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Duqeyn culus oo lala beegsaday guri ay ku shirayeen Al-Shabaab

Duqeyn xooggan ayaa xalay ka dhacday deegaanka Biya Cadde ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo lagu bartilmaameedsaday guri la sheegay inay shir ku lahaayeen xubno sare oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in saraakiil muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay duqeynta, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin magacyadooda ama tirada saxda ah ee khasaaraha ka dhashay duqeynta lala beegsaday saraakiishaas.

Duqeyntan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan howlgalada militari iyo duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo hoggaanka iyo xarumaha Al-Shabaab ee gobollada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya xilli dowladda federaalka iyo saaxiibada caalamiga ah ay laba jibaareen duqeymaha ka dhanka ah kooxdaasi.

Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama hay’adaha amniga oo xaqiijinaya cidda lagu dilay iyo baaxadda khasaaraha, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan duqeynta iyo cidda sida raamiga ah loogu beegsaday oo la rumeysanyahay inay yihiin saraakiil muhiim ah oo Shabaab ka tirsan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *