Faah faahin:- Dilkii ka dhacay Magaalada Baydhabo iyo wararkii ugu dambeeyay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhacdo murugo leh oo Maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, halkaas oo lagu dilay tababarihii kooxda kubadda cagta Daarusalaam, Cabdi Soomaali.
Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah, Cabdi Soomaali ayaa u geeriyooday rasaas si kama’ ah uga fakatay askari ka tirsan ciidamada dowladda, xilli uu ku sugnaa gudaha magaalada. Rasaastaasi ayaa si toos ah u haleeshay marxuumka, taasoo sababtay dhimashadiisa.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in dhacdadu ay dhacday si kedis ah, iyadoo aanay jirin wax khilaaf ama iska hor imaad ah oo ka horreeyay. Isla markiiba kadib dhacdada, ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay askarigii lagu eedeeyay inuu rasaasta riday, waxaana la sheegay in baaritaan degdeg ah lagu bilaabay.
Maamulka magaalada Baydhabo iyo hay’adaha ammaanka ayaa weli si rasmi ah uga hadlin faahfaahinta buuxda ee dhacdadan, hase yeeshee ilo ku dhow dhow laamaha ammaanka ayaa xaqiijiyay in askariga la xiray, isla markaana sharciga la horgeyn doono.
Geerida Cabdi Soomaali ayaa si weyn u taabatay bulshada ku nool Baydhabo, gaar ahaan bahda ciyaaraha, maadaama uu ahaa tababare caan ka ahaa magaalada oo door muuqda ku lahaa horumarinta dhalinyarada iyo kobcinta ciyaaraha.
Qaar ka mid ah ciyaartoydii iyo taageerayaashii kooxda Daarusalaam ayaa muujiyay murugo iyo tiiraanyo, iyagoo ku tilmaamay geerida marxuumka mid naxdin leh, iyaga oo dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed ka dalbaday inay cadaalad u helaan saaxiibkoodii Ciyaaraha.









